Ilko xanuun Horudhac Ilko xanuunku waa xanuun ku dhaca

Transcrição

Ilko xanuun Horudhac Ilko xanuunku waa xanuun ku dhaca
Ilko xanuun
Horudhac
Ilko xanuunku waa xanuun ku dhaca daankaaga iyo wajigaaga. Waxuu caadi
ahaan ka yimaaddaa dhibaato ilig ku jirta. Waxaa ilko xanuunka keeni kara
dareeme kacsan oo ku jira salka, jeermis, xumaansho, ama dhicidda ilig.
Bartamaha ilig kaste waxaa ku jira unugga jilicsan ee iligga (dental pulp). Unugga
jilicsan ee iliggu waa unug jilicsan, buush oo kale ah oo ka kooban dareemeyaal
farabadan oo dareen badan iyo xidiiddo dhiig. Waxaa unugga jilicsan ee iligga ku
hareersan dahaarro unug adag ah, dahaarka ugu sarreeyana waxuu ka samaysan
yahay dheeh (enamel).
Ilko xanuunku waxuu dhacaa marka unugga jilicsan ee iligga dhexdiisu uu bararo.
Waxaa taas loo yaqaannaa “pulpitis” waxaanay badi ka timaaddaa xumaanshaha
iligga (suuska). Daloollo (godad) ayaa ka soo baxa iligga, kuwaasoo soo saara
dareemaha hoosta ku jira. Waxaa ku xanuunin kara cuntada iyo biyaha (gaar
ahaan marka ay kulayl ama qabow yihiin) ee taabta dareemaha.
Haddii aanan la iska daaweynin, unugga jilicsan ee iliggaaga dhexdiisu wuu
dhiman doonaa jeermis ayaana geli doona. Waxay taasi keeni doontaa in ay malax
dhalato, taasoo kuu keeni doonta xanuun aad u daran, joogto ah oo garaac badan.
Calaamadaha
Ilko xanuunku waxuu badi u bilaabmaa si kadis ah waxuuna xanuunku u kala
dhexeyn karaa raaxo la’aan meeldhexaad ah iyo xanuun aad u daran. Xanuun
garaac leh ayaa kaa gaari kara madaxa, daanka, iyo dhegta kaasoo joogto ah,
ama soo noqnoqod leh.
Waxuu xanuunku caadi ahaan sii daran yahay marka aad wax cunayso ama wax
cabbayso, gaar haddii cuntada ama cabbitaanku ay aad u kulul yihiin ama u
qabow yihiin. Daanka ku yaalla dhinaca ilko xanuunkaaga ayaa ku xanuuni kara
una dabacsanaan kara taabashada. Waxuu weliba ka sii dari karaa marka aad
jiifsato maxaa yeelay iligga ayaad cadaadis dheeraad ah saaraysaa.
Calaamadaha caadiga ah ee ilko xanuunka waxaa ka mid ah, xanuun aad
dareento marka aad wax calalinayso, u dabacsanaanta cuntada kulul ama qabow,
dhiigbaxa iligga ama cirridka, bararka iligga hareerihiisa, iyo bararka daanka.
Sababaha
Waxuu ilko xanuunku ku gaaraa marka unugga jilicsan ee iliggaaga dhexdiisu uu
bararo (pulpitis). Waxay taasi badi dhacdaa haddii uu ilig ku xumaado, yara jabo
(dillaaco), ama dalool ka soo baxo iliggaaga dhexdiisa.
Page 1 of 3
Toothache | Somali |Translated 04/08
© Queen’s Printer and Controller of HMSO 2008
Waxuu weliba ilko xanuunku kugu dhici karaa ka dib marka lagugu sameeyo
noocyo gaar ah oo daawaynta ilkaha ah. Matalan, ka dib marka iliggaaga wax lagu
shubo, unugga jilicsan ee iligga ayaa kici kara. Sidoo kale, cirridka dib u guranaya
(markaasoo uu cirridku dib u riixmo) ayaa soo saari kara qaybaha sii dareen badan
ee iligga. Xanuun ayay taasi kuu keeni kartaa, gaar ahaan marka aad wax
cunayso.
Xaalado kale ayaa keeni kara calaamado u eeg ilko xanuunka, inkastoo aanay
ilkuhu wax qabin. Matalan, malaxda, boogaha (ulcers), cirridka xanuunka leh ama
bararsan, sinusitis (bararka hawo mareennada wajiga), ama dhaawaca kalagoyska
isku xira daanka iyo kalagoyska lafta madaxa (temporomandibular), ayaa gebi
xanuun keeni kara.
Waxaa weliba ilko xanuunka keeni kara marka ay dhallaanka iyo carruurta yar yar
ilkuhu u soo baxayaan.
Baaritaanka cudurka
Haddii aad qabto ilko xanuunka, waa inaad islamarka suurogalka ah u tagto
takhtarkaaga ilkaha. Ilko xanuunka badi waa la daawayn karaa laakiin
takhtarkaaga ilkaha ayaa horta u baahan in uu ogaado dhibaatada jirta.
Waxaad u malayn kartaa in aad og tahay iligga wax qaba. Hase yeeshee,
dareemeyaasha ilkahaaga ku jira waxay mararka qaar maskaxda u diraan farriin
qalad ah. Waxay taasi ka dhigan tahay in ay dhibaatadu runtii ka iman karto ilig
kale, ama xataa daanka kale.
Takhtarkaaga ilkaha ayaa baari doona ilkahaaga iyo cirridkaaga si uu uga eego
calaamadaha bararka, casaanka iyo waxyeellada gaarta iligga. Waxaa laga
yaabaa in uu meeshaa wax qabta mariyo biyo diiran si uu uga saaro jajabka
cuntada ee ku haray iyo si uu u fiiriyo in aad ka dareemayso kulaylka.
Waxaad u baahan kartaa in lagaa qaado raajo (X-ray) si looga eego xumaanshaha
iligga, dillaacyada iligga dhexdiisa, ama dhibaatooyinka ku jira lafta daanka. Haddii
uu ilko xanuunku sii dheeraado ama aad u daran yahay, xanuun dileyaal, sida
daawada ibuprofen, ayaa laguu qori karaa. Daawada ibuprofen lagulama talinayo
dadka iyagu qaba cudurka neefta.
Daawaynta
Ilko xanuunka waa in la daaweeyo islamarka suurogalka ah si la isaga ilaaliyo
jeermiska. Haddii uu jeermis ku faafo hawo mareennada wajiga ama lafta daanka,
waxuu geysan karaa sumaysmiga dhiigga.
Haddii uu xumaanshaha ilkuhu ka dambeeyo ilko xanuunkaaga, meesha xumaata
waa la saari doonaa oo waxaa lagu beddeli doonaa wax lagu shubo godka. Haddii
uu ka dambeeyo wax lagu shubay oo dabca ama jaba, waxaas lagu shubay ayaa
godka laga saari doonaa waxaana lagu beddeli doonaa mid cusub.
Page 2 of 3
Toothache | Somali |Translated 04/08
© Queen’s Printer and Controller of HMSO 2008
Haddii unugga jilicsan ee iligga uu jeermis galo (pulpitis), waxaad u baahan kartaa
daawaynta kanaalka salka (root canal). Takhtarkaaga ilkaha ama daaweeyaha
unugga jilicsan ee iligga (endodontist (xirfadle takhasus leh))ayaa meesha ka saari
doona unugga jilicsan ee iligga ee xumaaday, bannaanka ku shubi doona qoosh,
waxayna dul saari doonaan dabool si loogu ilaaliyo looguna xiro.
Haddii uu iligga jeermis galo, waxaad u baahan kartaa in aad qaadato
daawooyinka antibiyootigga. Haddii aanan la daawayn karayn ilko xanuunkaaga,
waxaa loo baahan karaa in la wada saaroba.
Si aad xanuunka isaga yarayso inta aad sugayso in aad aragto takhtarkaaga
ilkaha, waxaad qaadan kartaa xanuun dileyaasha dukaannada caadiga ah laga iga
iibsado (over-the-counter (OTC)), sida daawada baarasatamool.
Ka hor-tagga
Habka ugu fiican ee aad uga hortagayso ilko xanuunku waa adigoo ilkahaaga iyo
cirridkaaga ku haya caafimaadka ugu suurogalka badan.
Waa in aad marwalba isku hubiso nadaafadda fiican ee ilkahaaga adigoo
xadaynaya qiyaasta cuntada iyo cabbitaanka sonkorta leh ee aad qaadato. Laba
jeer ilkaha ku cadayo daawada ilkaha ee ay ku jirto maaddada fluoride. Aayar u
cadayo cirridka iyo carrabka. Ilkaha dhexdooda ku nadiifi marada khafiifan ee floss
la yirahado, haddiina aad u baahato, isticmaal daawada lagu mayro afka
(mouthwash). Sigaar cabbidda ayaa sii xumayn karta dhibaatooyinka ilkaha
qaarkood.
Waa in aad si joogto ah ugu tagto takhtarkaaga ilkaha, waana in aad ku fikirto in
uu ilkaha mararka qaar kuu nadiifiyo xirfadlaha nadaafaddu. Haddii uu
caafimaadka afkaagu fiican yahay, waa in aad takhtarkaaga ilkaha u tagto 12-24kii
biloodba mar si uu kuu baaro. Hase yeeshee, haddii aad daawayn dheeraad ah u
baahan tahay, waxaad u baahan kartaa in aad takhtarkaaga ilkaha u tagto marar
intaas ka badan.
Waa in ilkaha carruurta la soo baaro lixdii biloodba mar si hore loogu ogaado
looguna daaweeyo ilkaha xumaada.
Adeeg turjubaan oo sir ah
NHS Direct wuxuu dhaqiiqado gudeheeda markaad soo wacdo ku heli karaa
turjubaano luqado badan ku hadla oo si sir ah wax kugu turjimi doono.
Raac tusmadeena fudud ee seddaxda tallaabo:
Tallaabo 1 – Soo wac lambarka NHS Direct oo ah 0845 4647.
Tallaabo 2 – Markii waciddaada laga jawaabo, af Ingiriis ku sheeg luqada
aad rabtid inaad isticmaashid. Ku sug khadka ilaa lagugu xiro turjubaan oo
NHS Direct ku caawin doono inay ku siiyaan macluumaadka caafimaadka Page 3 of 3
ama talada aad u baahan
tahay.
Toothache | Somali |Translated 04/08
© Queen’s Printer and Controller of HMSO 2008
Tallaabo 3 – Waxaad xitta saaxib ama qaraabo ka codsan kartaa inay adiga

Documentos relacionados

Kev Pab Rau Cov Lag Luam Me Tsis muaj ib qho lag luam zoo li

Kev Pab Rau Cov Lag Luam Me Tsis muaj ib qho lag luam zoo li • Txawm yuav yog tus tswv tsev ntawm lub chaw ua lag luam lossis tus tswv xauj qhov chaw ua lag luam xwb los yeej qiv tau qhov nyiaj no • Qhov lag luam txawm yuav nyob qhov twg los tsuav yog nyob h...

Leia mais