Ku: guriga Wargelin la xidhiidha imtixaanka dugsiyada asaasiga Ah

Transcrição

Ku: guriga Wargelin la xidhiidha imtixaanka dugsiyada asaasiga Ah
Kvalitets- og Tilsynsstyrelsen
Frederiksholms Kanal 25
1220 København K
Tlf. 3392 5000
Fax 3392 5567
E-mail [email protected]
www.ktst.dk
CVR nr. 29634750
Ku: guriga
Wargelin la xidhiidha imtixaanka dugsiyada asaasiga
Ah ee madaxa bannaan
Dhammaan ardayda dhigata dugsiga hoose/dhexe waa inay maraan
imtixaanka qaranka ee qasabka ah. Ardayda dhigata dugsiyada asaasiga ah
ee madaxa bannaan, imtixaannadu kuma aha qasab. Ilmihiinna iyo
carruurta kale ee dhigata dugsiyada asaasiga ah ee madaxa bannaan waxa
ay haystaan fursad lagaga qaado hal ama wax ka badan oo imtixaannada
ah, haddii dugsigu sidaas doorto.
Waxa hoos ka muuqda maaddadaha iyo heerarka fasallada geli kara
imtixaanka iskii qofku u dooran karo (frivillige). Iskutallaabta ayaa
muujinaysa heerarka fasallada ay ku wajahan yihiin imtixaannadu.
Khaanadaha midabka lihi waxa ay muujinayaan, heerarka fasallada ku geli
kara imtixaannada haddii ay iskood u go´aansadaan (frivillige).
Maaddad iyo fasal
Deenish, akhris
Xisaab
Ingiriisi
Juqraafi
Bayoolaji
Fisigis/kimisteri
Deenishka oo luqad
labaad ah
1.
2.
X
3.
4.
X
5.
X
6.
X
X
7.
8.
X
9.
X
X
X
X
X
X
Imtixaanka qaranku waa qiimayn
Imtixaanka qaranku waa qalab qiimayneed wax ka taraya qorshaynta
macalimiinta ee waxbarashada, isla markaana fikrad idinka siinaya, sida ay
u socdaan maadadaha la doortay. Imtixaanadu waa qalab ama qalabyo
badan, oo laga qaadan karo sawir mudada caruurtu dugsiga dhiganayaan
, in ay dhinac sax ah u socdaan iyo in kale. Wax kasta la iskuma
Imtixaami karo, mana aha in la isku imtixaamo. Imtixaanada waxa la
doortay qaybo udub dhexaad ah, oo ku haboon in kombuyuutarka lagu
sameeyo.
Imtixaanka qaranku waxa uu ku sargo´an yahay heerka ardayga
Waxa laga hadlayaa imtixaan nooc kale ah, oo ka duwan imtixaannada
maanta caruurtu galaan.
Imtixaanka ilmo walba laga qaadayaa waxa uu ku haboon yahay heerkiisa
maadadaha. Haddii ardaygu su´aal ka jawaabo, dabadeed waxa ardayga la
siinayaa su´aal ka adag. Haddii ardaygu qaldo, waxa haddana la siinayaa
2
su´aal jilicsan. Waayo aragnimadu waxa ay sheegaysaa, in arday badani ka
baxayaan imtixaano ka adag kuwa maanta laga qaado.
Imtixaanada waxa lagu qaadayaa kombuyuutarada dugsiga, qof qofna waa
loo qaadayaa. Imtixaanku waxa uu caadi ahaan qaadanayaa 45 miridh.
Wargelin qoraal ah oo waalidku helayo
Marka ardaygu gelo imtixaan, wargelinta imtixaanka oo qoraal kooban ah
ayaa loo soo dirayaa waalidka. Dugsiga ayaa dooran kara, in uu waalidka
u diro wargelintaas. Macalimiinta ayaa laga yaabaa, in wargelinta qoraalka
ah lagaga wada hadlo kulan la xidhiidha natiijooyinka imtixaanka iyo
horumarka maadadeed ee ilmaha, sida kulanka dugsiga-guriga oo kale.
Natiijooyinka imtixaanku waa qarsoodi oo diiwaanka maamulka
ayaa lagu kaydinayaa
Natiijada imtixaanka ardayga waxa helaya oo keli ah dadka toos ugu
baahan. Sida ilmaha laftiisa, waalidka, macalimiinta maadadaha ee ardayga
iyo maamulka dugsiga.
Wasaarada waxbarashada ayaa ururinaysa oo ku kaydinaysa diiwaan
maamuleed imtixaanada guud ee ardayda. Dhamaan natiijooyinka
imtixaanadu waxa ay ahaanayaan sir culus. Waxana la haynayaa, inta
ardaygu ka dhamaynayo waxbarashada qasabka ah, ee uu ka baxayo
dugsiga hoose/dhexe. Dabadeed natiijooyinka waa laga tirtirayaa diiwaan
maamuleedka. Wararka la xidhiidha natiijooyinka imtixaannada ardayga
kelidiis, koox ahaan, qayb ahaan, fasallada, dugsiyada iyo
kommuunayaasha, intuba waa sir culus.
Mahadsanidin
Ministeriet for Børn og Undervisning
Kvalitets- og Tilsynsstyrelsen
Center for Kvalitetsudvikling, Prøver og Eksamen

Documentos relacionados

WESTERN HILLS COWTOWN SHOOTOUT JANUARY 03, 2015

WESTERN HILLS COWTOWN SHOOTOUT JANUARY 03, 2015 FWCT-NT OAK-NT WAXA-NT FWWH-NT FWWH-NT AZLE-NT FWCT-NT WAXA-NT AZLE-NT

Leia mais